HERERSTAR

Dantii ciidagale ma cukusaa diidan??

0
Saturday July 09, 2016 - 17:39:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dantii ciidagale ma cukusaa diidan??

    Shirkii saddex geesoodka ahaa ee ay isugu yimaadeen Dawladda Somaliland, Deegaankii iyo deeq bixiyayaasha ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii loo badbaadin lahaa mashruucii banka qoolcadey oo u muuqday inuu fashilmay ku talagalka wajigii hore ee mashr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii saddex geesoodka ahaa ee ay isugu yimaadeen Dawladda Somaliland, Deegaankii iyo deeq bixiyayaasha ayaa waxa lagaga wada hadlay sidii loo badbaadin lahaa mashruucii banka qoolcadey oo u muuqday inuu fashilmay ku talagalka wajigii hore ee mashruuca,
 Iyadoo taa laga duulayana dhinacyadu waxay isla afgarteen in jiho kale loo jiheyo mashruuca iyadoo lagu salaynayo baahiyaha deegaanka ee aasaasiga ah si loo badbaadiyo mashruucaa si aanay maalgalintii loogu talagay dib loola noqon, Hadaba shirkaasi ka dib waxa laysla qaatay in laba qodob oo muhiima.

in biyaha oo baahi weyn loo qabo awgeed ceelal biyood loo qodo iyo in loo duwo lacag lagu qiyaasay laba miyan oo dollar dhinaca wadada Hargaysa Sallexley ina Guuxaa


Natiijadii ka soo baxday shirkaa oo lagu diirsaday dadweynihiina soo dhaweeyeen ayaa waxa arin laga naxo noqotay in masuulkii deegaankaa u matalayay dawladda uu si badheedha uga hor yimid talaabadaa horumarka leh

amuurtan ayaa u muuqata mid ka caydhaysiin doonta shacabka deegaankaa iyadoo dhaliilo hore oo badana ay u hayeen hogaan xumida masuulkan camaalaqa wada guntii iyo gabagabadii waxaan soo jeedin lahaa iyadoo lagu jiro wakhti kala guura oo doorashooyina ina soo food saareen in xisbiga kulmiye uu si taxadir leh u eego fadeexadaha masuulkan dul hoganaya taasoo haddii aanay ka jawaabin ay ku waayi doonaan codka umadda deegaanka

waxaan ku soo af meerayaa tixa ka mida maansadii goljano ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Rag gudboon sal iyo baar
Haddii geel isugu jiro
Gar maqaate dhega li’I
Go’aan wadari leedahay
Hadduu goonidiisiyo
Gaarkiis u maamulo
Keligii nin gob yahay
Inta badan gun hoosiyo
Garax iyo qadhoon iyo
Gaagaab ka wada dhigo
Marka loo ged sheegtana
Galka seefta kala baxo
Wuxuu goosto keligii
Ama geysto dabadeed
Garashaa ku tidhi yeel
COMMENTS