HERERSTAR

Aqoonyahan Jaamac Jiir Oo Si Cilmiyeysan Uga Faalloodey Xasuuqa Uu Cabdi Iley Ka Wado Deegaamada Gaashaamo Iyo Xadhiga Wariye Mukhtaar Nuux+Xayiraaddi Horn Cable Tv

0
Saturday July 09, 2016 - 18:23:06 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoonyahan Jaamac Jiir Oo Si Cilmiyeysan Uga Faalloodey Xasuuqa Uu Cabdi Iley Ka Wado Deegaamada Gaashaamo Iyo Xadhiga Wariye Mukhtaar Nuux+Xayiraaddi Horn Cable Tv

    "Aniga oo ah Aqoonyahan Jaamac Jiir,waxaan cod dheer ugu sheegayaa in Cabdi Iley uu yahay dambiile qaran,oo loo bahan in laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan,taasi oo la xidhiidha dambiyada uu galey ee is-daba joogga ah ee xasuuqa ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aniga oo ah Aqoonyahan Jaamac Jiir,waxaan cod dheer ugu sheegayaa in Cabdi Iley uu yahay dambiile qaran,oo loo bahan in laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan,taasi oo la xidhiidha dambiyada uu galey ee is-daba joogga ah ee xasuuqa ah.
Maxaayeeley dawladda Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo jaar ah,oo uu ka dhexeeyo xidhiidh wanaagsan,xidhiidhkaas oo uu Cabdi Iley doonayo inuu baabi'iyo,waayo illaa hadda muu garaabin xasuuqyada uu u geysanayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan".

 
Mooganaanta shacabka ku nool kililka shanaad iyo cadaawadda madaxweynaha Iley,ma loo qaadan karaa inay tahay aargoosi cad oo cadaawadeed,oo salka ku haya xilliga dalka ay SNM,ka saartey taliskii Siyaad Barre?


"Dhanka kale waxaan cambaareynayaa xayiraaddii telefiishanka Horn Cable ay dawladda Itoobiya ay hawada kaga saartey,kaddib markii uu baahiyey xasuuqii ka dhacey deegaamada Gaashaamo.

Sido kale waxaan ka xumahay wariyaha laga qafaashey degmada Togwajaale ee ka hawl geli jirey Telefiishanka Horn Cable Tv,kaasi ay qafaasheen maleeshiyaadka Liyuu Booliiska ee ka amar qaata Cabdi Iley.

 
Dhanka kale waxaan ugu baaqayaa warbaahinta,Dawladda Somaliland iyo Hay'addaha u dooda xuquuqda Aadamaha iyo sidoo kaleba kuwa u dooda xuquuqda wariyeyaasha in laga wada hawlgalo sidii wariyeyaas xorriyaddiisa dib loogu soo celin lahaa.

 
Ugu dambeynitii waxaan ugu baaqayaa in wariyahaas xorriyaddiisa sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo".
Wa billaahi towfiiq
 
Qalinkii:Aqooyahan Jaamac Jiir
 
*********************************************************************

 

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
COMMENTS