HERERSTAR

Wiilkii aan tahriibin ee tukhaanka iibsaday wuu tabcaday!!!

0
Saturday July 09, 2016 - 18:26:47 in Muuqaallo by Super Admin
  • Visits: 733
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilkii aan tahriibin ee tukhaanka iibsaday wuu tabcaday!!!

    Tan wax laga qabto malaha..sii joogna malaha...!! Cali na waxa uu yidhi,waar aniguna tukhaan ayaan iibsanayaa oo hooyaday ayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan wax laga qabto malaha..sii joogna malaha...!! Cali na waxa uu yidhi,waar aniguna tukhaan ayaan iibsanayaa oo hooyaday ayaan
Axmed iyo caliwaxay ahaayeen laba wiil oo dugsigoodii sare mar qudha wada dhammeystay.waxay maalin qudha u wada fadhiisteen imtixaankii shahaadiga ahaa.markii imtixaankii u dhammaaday ayaa waxay heleen darajooyin fiican.

waxbarashadoodii aasaasiga ahayd markii ay dhammeysteen, ayaa waxa ay goosteen in ay shaqotag noqdaan oo suuqa galaan. may dooneyn in ay jaamacad galaan,waayo qoysaskooda ayaa ahaa ..qaar faqiir ah, ama dabaqadda hoose,markaasi in ay noloshooda iyo ta qoyskoodaba wax ka badalaan ayey doonayeen.waxay bilaabeen in ay kulamo sameeyaan oo ay suuqa iskugu yimaadaan si ay uga wada hadlaan,wixii ay ku dhaqaaqi lahaayeen.markii ay muddo sidaasi suuqa iskaga joogeen ayaa waxay garan waayeen shaqo ay qabtaan.waayo


sida cid kastaa wada ogtahay,waxa dalka ka jirta shaqo la'aan baahsan.maalin maalmaha ka mid ah,ayaa Axmed waxa uu ku yidhi cali..waan Tahriibayaa..ninyohow,tan wax laga qabto malaha..sii joogna malaha...!! Cali na waxa uu yidhi,waar aniguna tukhaan ayaan iibsanayaa oo hooyaday ayaan odhanayaa intii aan kaa tahriibi lahaa..tukhaan ii iibi.labadii arday ee dugsiga sare ka baxay waxay kala qaateen labadaasi go'aan ee taariikhiga ah. Axmed sidii uu go'aanka ku gaadhay waa uu tahriibay.Cali na waxa uu iibsaday oo ay hooyadii isla markiiba u iibisay gaadhi tukaan ah, oo midabkiisu yahay casaan oo qurux badan ayey macrad ka mid ah,macradada hargeysa uga soo iibisay si dhakhso ah.Cali waxa uu isna markiiba galay dugsiga barasha baabuurta oo uu laba todobaad ku maqnaa isaga oo baabuurkii diyaar u yahay, ay hooyo u soo iibisay.!!!!Axmed na waxa uu sii marayaa magaalada adiis oo tahriibtii ayaa uu bilaabmatay.hooyadii ayaa uu kala soo hadlay magaaladaasi oo uu u sheegay in uu joogo addiis oo uu doonaayo in tahriibo,waxana uu ka codsaday in lacag loo soo diro. Cali waxa uu bilaabay in uu tagsiile ka noqdo magaalada hargeysa isaga oo ku shaqeysanaaya gaadhigii tukhaanka ahaa.waxa uu ilaa hadda shaqeysanaayey oo uu ahaa tagsiile muddo 5 sano ah. waxa uu urursaday lacag fiican oo gaadhaysa ($20,000) oo doolarka mareykanka ah.waxa uu qaada ardayda jaamacadaha dhigata iyo dadweynaha reer hargeysa ee buux dhaafka ah. maalinna ma suuq waayo...dakhligiisu maalintii ($30) doolar. jaanisba ma haysto uu ku dareemo camal la'aan. waxa uu hadda doonayaa in uu jago iibsado oo uu gurina dhisto.halka wiilkii Tahriibay ee Axmed la odhan jiray.uu tahriibtii ku galay dalka Talyaaniga,ka dib muddo badan oo uu magafe iyo jeelal badan oo Suudaan iyo liibiya ah, kaadidiisa ku soo dhex cabay.isaga oo hadda ay ka muuqato diif iyo itaal xumo jidheen ayaa waxa lagu arkaa dariiqyada maagalo ka tirsan talyaaniga oo faraha iskula hadlaaya oo noqday qof silloon ah,oo wax u dhiman yihiin.lama garanaayo wiilkaasi yar ee xaaladdaasi ku jiraa,waxa uu mustaqbalkiisu ku dambeyndoono.waxa ku baxday lacag dhan ($15000). marka lagu daro waalidkiisii oo uu dhiigkar iyo macaan qaadsiiyey.!! mid kee fikrad fiicnaa Axmed iyo Cali????
Qore:C.casiis Maxamed Yoonis(ansaari).


Macalin dhiga luuqadaha/Aqoonyahan School for English.

Email:aragtiwanaagsan@gmail.com

Facebook:abdiazizyonis. Tell: 063 4175733.

Hargeysa,Somaliland.

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga
COMMENTS