HERERSTAR

Dhacdo I Murugo Galisay

0
Saturday July 09, 2016 - 19:36:26 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhacdo I Murugo Galisay

    Ka dib markii aanu waydiinay xalada caafimaad daro ee ilmaha la soo daristay mudada uu bukay iyo da’adiisaba waxay noo sheegtay inuu laba cisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii aanu waydiinay xalada caafimaad daro ee ilmaha la soo daristay mudada uu bukay iyo da’adiisaba waxay noo sheegtay inuu laba cisho
Salaadii casar ka dib ayaanu Hargeisa uga ambaxnay dhinaca waqooyi annagoo u soconay safar shaqo , waxaanu sii soconaba markay Sacadu waxay ahayd abaaro 5 galabnimo ,oo aanu qiyaastii dhaafnay ilaa 5 kiloo mitir Magaalda la yidhaahdo Caada oo magalada Hargeisa kaaga beegan waqooyi qiyaas ahaana u jirta 60 kiloo mitir, Waxaa wadadii hortayda noo gacan iyo go’ba haadiyey saddex ruux oo kale ah laba nin iyo haweenay waayeel ah ,waxay ku dadaalayeen in uu gaadhigo joogsado , runtii waan dareemay , dirwalkii gaadhigana waxaan ka codsaday , waanu joojiyey gaadhigii , sida wada jir ah ayuunu ugu nidhi annagoo yaaban "maxaa idin helay?, waxay noo sheegeen in ilma yar oo xanuunsanaya sidaaan doonayeeen inay geeyaan caada laakiin kama helayno adeega caafiaad ee ay u baahan tahay tayari , sidaa darteed markaanu


gaadhigiina aragnay ayaanu damacnay in aad noo gaadhsii saan xarunta Caafimaadka ee magalada Cali Xaydh, Waanu qaadanay islaantii ilmaha yar sidatay intaanu is cidhidhsanay , laakiin nimankii in aanu qaado nooma suurto gelin gaadhigoo allaab iyo dad kaleba saarnaayeen awgeed.
Ka dib markii aanu waydiinay xalada caafimaad daro ee ilmaha la soo daristay mudada uu bukay iyo da’adiisaba waxay noo sheegtay inuu laba cisho xanuunsanayey, oo uu waliba shubmayey hadana uu naqasku hayo sidii oofeed.

Hooyadan oo murugo iyo walbahaar ka muuqaday wajigeeda ayaa sidoo kale noo sheegtay in ay eyey u tahay ilmaha yar nimankii la socday mid ka mid ahi dhalay tahayna ilmihiisi curad jirtayna hal sano , laba maalmoodna ay shubmaysay waydayna wax dawo oo ay siiso , iyo waliba gaadhi ay ku qaado.

Waxaanu waydiinay deegaankoodani inuu leeyahay gaadiidkii gargaarka deg –dega ah iyo in kale

Waxay nagu tidhi ma laha , iyadoo noo raacisay dhacdadan kooban " bari dhawayd waxaa iga sidan oo kale iga xanuunsaday wiil aan dhalay oo 14 jir ahaa dadaal badan ka dib waxaan geeyey magalada gabiley si aan soo daweeyo , laakiin wuxu dhintay isla markii la dhigay cusbitaalkii , dadkii meesha joognay baana ii gurmaday oo iga aasay , markay intaa tidhina indhaheeda ilmaa ka soo burqatay,

Anigoo niyada u dhisayaa dhibaatada haysata hooyaadan ayaan si degan ugu idhi hooyo insha allah waxba noqo mayso inanta yari , way iska caafimaadi doontaa ee niyada khayr u sheeg.

Markay xaaladeedii caadi ku soo noqatay Ayaan mar kale waydiiyey waxyaabaha ay kala socoto xuquuqda aasasiga ee qof muwaadinka ahi leeyahay?

Waxaanay hadalkii noogu soo koobtay " hooyo lax dhukani col iyo abaar midna ma oga , annaguna waxaanu naha dad reer miyi ahoo sidaas oo kale ayaanu nahay.

Maadama oo aynu ku jirnay xili ramadaaan waxaanu ku xisaabtamaynay in aanu afurka ka gaadhno magaalada Cali-Xaydh , nasiib wanaag waanu gaadhnay Cali xaydh iyadoo ay afurkii ka dhiman tahay 5 daqiiqo , waxaanu judhiba geynay ilmihii yaraa iyo hooyadiiba xarun caafimaad oo meesha ku taala , in kasta oo aanay joogiin xiligaa cidii waashmaanki xaruunta ilaalinayey mooyaan , waxaanu noo sheegay in shaqaalihii soo afurayaa oo bacda makhribka imanayaa,

Hooyadii ilmaha yar sidatayna waxay naga codsatay in ay ku degto xaruntii , waanay naga degtay, dhinic magaalda ayaanu soo galay waxaanu ku war gelinay dadkii meesha aanu kula kulan in ilma yar oo aad xanuunsanayaa aanu sidnay xanaanadana soo dhignay, waxaanu ka codsanay in shaqaalihii caafimaadku hore ha ugu tagaaan, in hooyadana afur loo geeyo

Afurkii ka dib ayey shaqaalihii caafimadku u tageen , markii ay damceen ilmaha xaaladiisii inay eegaana, waxay ogaadeen in ilmuhu mayd yahay oo dhintayba ! ,

Hadaba waxay waydiintu tahay yaa ka musuula ummadda ku dayacan ?

 

WQ: Kamaal Xassan Isaaq

Muwaadin dadkiisa iyo dalkiisaba jecel

Tell: 063-4402758

kamalcadow@hotmail.com

Hargeysa Somaliland
COMMENTS