HERERSTAR

Waligeed aduunyada wakhtigaa qof saacida midna waayahaa xidha.

0
Saturday July 09, 2016 - 19:45:19 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waligeed aduunyada wakhtigaa qof saacida midna waayahaa xidha.

    dhinaca kale ama sidaa kasoo horjeedkeeda waxaa jira maalmo ay kugu jiifto oo aanay kuu salaxnayn isla markaana arimuhu aduunyo ahaan kugu foorarto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

dhinaca kale ama sidaa kasoo horjeedkeeda waxaa jira maalmo ay kugu jiifto oo aanay kuu salaxnayn isla markaana arimuhu aduunyo ahaan kugu foorarto
Sunaha aduunyada ayey kamid atahay in xaalka aduun maalinba si yahay oo kala duwanaado oo dharaaraha aduunyadu midiba warkeed iyo waayeheed iska leedahay maalin waad faraxsan tahay oo way iskugu kaa toosantahay arimuhuna way wada socdaan wax kaa qaldanina ma jiro dhadhamada aduuna way kuu salaxan tahay oo si wacan ayaad haaneedka u haysaa adiga iyo qoyskaaguna waxaad ku jirtaan barqo ciyaar iyo cada tuurasho mahad naqa ilahayna inaad haleeshay iyo inkale mooyi hadaad haleeshay ilahay waa kuu siyaadiyaa laakiin hadaad ilawday ilahay waa kaa kala tuuraa barakadana waa ka qaadaa.


dhinaca kale ama sidaa kasoo horjeedkeeda waxaa jira maalmo ay kugu jiifto oo aanay kuu salaxnayn


isla markaana arimuhu aduunyo ahaan kugu foorarto dhinac kastoo laga eegana waxaad arkaysaa inaanay sax kuu ahayn sidaa awgeedna waxaa laga yaabaa in aanad sabrin oo aanad aqoonsan in waxan kugu dhacay uu ayahay qadar ilahay oo ay tahay inaad sidaa u aqoonsato waayo aduunyadau waa imtixaan waana wado lasocdo oo safar lagu yahay waana waajib inaad sidaa aqoonsato.
 

hadaba hadaan soo qaadano ujeedada maqaalka ee maanta waxaa weeyi dhacdo ama sawir cajiib ah oo aan maalin maalmaha lamid anigu aan la kulmay waxaanay ahayd sidan.

 

Aroor arooraha kamid ah abaaro 6:30 subaxnimo anigoo kalahaaya isla markaana u socda hawl maalmeedkayga ayaan la kulmay arday yaryar oo qiyaas ahaan fasalka labaad ama saddexaad ah isla markaa na aad u qurux badan muuqaal ahaan iyo dirayska ay ku labisan yihiin intaba waxaa kale oo xusid mudan in ardaydaasi yaryar ay aad u faraxsanaayeen oo ay moral ama niyad aad u wacan iskuulka ku qaabilayeen waxaan qiyaasay inay ka soo bexeen qoys ladan oo dhaqaale ahaan iska wacan soona dar yeelay caruurtooda waxaa kale oo ay qaybsanayeen lacag nusasaace ah oo door ah waxaana lagu qaybsanaayey farxad iyo qosol warna kama hayaan waxa hareerohooda ka xiga wayo waa caruur yaryar aabohoodna ladan yahay sidaa awgeed waxaan ku qiyaasay in caruurtaasi iyo qoyskooda wakhtigu u salaxan yahay dhinaca kale waxaa caruurtaa dhinacooda maraayey wiil yar oo daasad baalash ah wata qiyaas ahaan wiilkaasi yari waxaa uu xaga dada leegaa kuwan yaryar ee quruxda badan ee dugsiga ku socda waxaa wiilkaasi yar ka muuqday diif aad u xun waxaa uu hamigiisu ahaa inuu xoogsi tago oo uu soo dhiciyo ceeshka ama calafka isaga iyo reer kiisu ku noolaanayaan waxaa uu rabaa inuu wiilkan yari iska dhiciyo aduuyada iyo arimoheeda kala gadisan.

 

wiilkani waxaa uu kamanayaa oo eegayaa wiilashan yaryar ee dhigiisa ah ee dugsiga ku socda waxaa niyadiisa ka guxaysa hadaad nasiib leedahay sida kuwan ayaad noqon lahayd halkaa markay marayso ayuu wiilkii yaraa aniga isoo jaleecay waxaa uu arkay anigoo xaalka caruurta is garab socota oo isla faqaaya waxaa uu igu yidhi adeer aniguba galinka danbe ayaan dhigtaa dugsiga naxdin ayaan istaagay waxaan ku dhahay fasalkeed tahay waxaa uu yidhi fasalka saddexaad waxaan u sameeyay dhiira galin fara badan iyo niyada oo aan aad ugu dhisay waanu iga qaatay waanadaasi balse waxaan xasuustay halku dhigyo fara badan oo laga yidhi aduunyada iyo siday maalinba si u tahay waxaase iga dhamaan wayday tuduc ka mid ah hees soomaaliyeed oo ahayd WALIGEED ADUUNYADA WAKHTIGAA QOF SAACIDA MIDNA WAAYAHAA XIDHA LABADAASI WAXAAN AHAYN HORAA LOOGA WAAYOO WAA NIN IYO WAAGII.

 

guntii iyo gabagabadii waxan leeyahay aduunyadu laba ayaamoode ha saluugin waayaha haday kuu sax tahay ilahay ugu mahad naq oo garo in lagugu imtixaamaayo haday kugu jiiftana u samir oo garo in ay iyana imtixaan tahay.

 

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)
COMMENTS