HERERSTAR

Ciidan Somaliland Ah oo ku Sii jeeday Xuduudka Itoobiya iyo Somaliland Oo Dhaawacyo Kusoo Gaadheen Deg-Duruqsi

0
Saturday July 09, 2016 - 16:10:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidan Somaliland Ah oo ku Sii jeeday Xuduudka Itoobiya iyo Somaliland Oo Dhaawacyo Kusoo Gaadheen Deg-Duruqsi

    Burco (KN) Gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer Mxamed Diiriye Xayd oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ,ayaa galabta gaadhay degmada duruqsi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco (KN) Gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer Mxamed Diiriye Xayd oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ,ayaa galabta gaadhay degmada duruqsi
Burco (KN) Gudoomiye ku xigeenka gobolka togdheer Mxamed Diiriye Xayd oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ,ayaa galabta gaadhay degmada duruqsi

 
Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidanka liyuu boolisku maanta ka soo gudbay xuduudka ay wadaagaan labada dal si sharci daro ah,soona gaadheen degaano ka tirsan gobolka oo ku yaal xuduudka ,taasina ay keentay in cutubyadan ciidanka qaranka loo diro degaamadaas.


Sideed ka mida askarta ciidanka qaranka ee kabaxay togdheer duhurkii ayaa gaadhii kula dhacay banka aroori kuwaasoo uu soo gaadhay dhaawac,hadana lagu daweynayo cisbitaalka guud ee burco.

 
ciidanka liyuu booliska oo la sheegay inay si dhuumasho ah uga soo gudbeen xuduudka oo us oo galeen gudaha somailand ,ayaa dib ugu laabtay goobihii ay ka yimaadeen ka dib markii bulshadii degaamadaasi si adag uga horyimaadeen.waxaana la sheegay in liyuu boolisku ay daba socdeen askar la sheegay inay ka soo goosteen ,kuwaasoo la sheegay inaanay garanayn jiho ay uga kaceen balse raadis ku joogaan.

 
xukuumada somaliland ayaa illa hada ka aamusan ciidanka liyuu booliska oo marar badan si sharci daro u soo galay gudaha somaliland ,taasoo la ogeyn waxa dawladu uga hadli wayday arintaas.

madaxda gobolka togdheer iyo cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka ,ayaa hada ku sugan degaamada xuduudka ka dib markii ay maanta gaadheen halkaasi.
ilaa hada ma jirto wax dhibaato ama khasaare ah oo ka imanaya degaamadas ku teedsan xuduudka.
COMMENTS